Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee lagu doortay Muqdisho (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi ee lagu doortay Muqdisho (Sawirro)

Wajigii labaad doorashada Aqalka Hoose ee xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo illaa lix mudane la doortay.

 

Doorashada oo maanta ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska ayaa ka dambeysay, markii Guddiga doorashooyinka uu fasaxay hakidkii uu todobaadki hore uu geliyay doorashada.

Illaa lix xildhibaan oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Haween ayaa maanta la doortay, iyadoo xubnaha qaar ee guuleystay ay ahaayeen Xildhibaano cusub

Kursiga Beesha Ciise, Dalool, Furlabe ayaa waxaa ku guuleysatay Khadra Maxamed Tukaale oo heshay 25 cod, halka Sacaada Aadan Axmed ay heshay 22 cod, sidaas darteed waxay guusha raacday Kharda Tukaale.

Ismaaciil C/raxmaan Bashiir ayaa ku guuleystay Kursiga Beesha Sacad Yoonis, kaddib doorasho adag oo wareeg labaad la isla heelay, waxaa uu helay 33 cod, isagoo ka guuleystay Xildhibaan difaacanayay kursigaas.

Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ku guuleystay kursiga Beesha Ciise, gaar ahaan Jufada Haroone, waxaa uu helay 25 cod, waxaana uu si dirqi uga guuleystay Xaamud Cali Xasan oo ahaa Wasiir kuxigeenka Waxbarashada, waxaa uu Xaamud helay 22 cod, iyadoo 48 ergo kaliya ay codeyneysay Kursigan.

Sidoo kale waxaa Kursiga Beesha Sacad Yoonis waxaa ku guuleysatay Faadumo Ismaaciil Xuseen  oo heshay 47 cod.

Suuri Diiriye Carab ayaa mar kale difaacatay kursiga ay ku fadhisay ee Beesha Habar Jeclo/ Maxamed Abokor, waxaa ay heshay 37 cod.

Doorashadii ugu yaabka badneyd ee Kursiga Beesha Ciise/Walaaldoon ayaa waxaa ku tartamayay labo walaalo oo kala ahaa C/raxmaan Axmed Suge iyo Maxamed Axmed Suge.

C/raxmaan Axmed Suge ayaa ku guuleystay 24 cod, halka Musharaxa kale ee walaalkiis Maxamed Axmed Suge uu helay 4 cod, waxaa doorashada kursiga xumaaday illaa 18 cod, waa cododkii ugu badnaa ee hal kursi xumaada.

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa maraya heer gabo gabo waxaana illaa iyo hada la doortay 25 xildhibaan, waxaana ka harsan 21 xildhibaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!