Akhriso: Magacyada 2 Sarkaal oo ka tirsanaa al-Shabaab oo Isku soo dhiibay dowlada (Sabab ) — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhriso: Magacyada 2 Sarkaal oo ka tirsanaa al-Shabaab oo Isku soo dhiibay dowlada (Sabab )

Muqdisho (Mareeg News ) Saraakiil ka tirsan al-Shabaab ayaa ku dhawaaqay inay isaga baxeen Kooxda, kadib markii ay sheegen inaanu u adkeysan karin daadinta dhiiga shacabka.

Saraakiisha ku dhawaaqay ka bixitaanka al-Shabaab ayaa kala ah Horjoogaha Gobolada Baay iyo Bakool Macalin Geedoow Aadan Abuukar iyo Horjoogaha Gobolka Gedo Cabdiraxmaan Fiiloow.

Macalin Geedoow waxa uu tilmaamay in maleeshiyada ay muddo isku fahmi waayen wadada loo maraayo dilalka ay fulineyso Kooxda, gaar ahaan dadka shacabka ah, waxa uuna sheegay in labadooda ay isla garteen inay isaga baxaan Shabaab.

Macalin Geedoow, oo ka hadlaayay ka bixitaankooda al-Shabaab, ayaa sheegay inay aqbaleen baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia ee ahaa inay al-Shabaab isaga baxaan Horjoogayaasha iyo Maleeshiyaadka ka barbar dagaalama ayna diyaar u yihiin dagaal ka dhan al-Shabaab oo uu ku tilmaamay inay yihiin cadowga dadka iyo dalka Soomaaliyeed

Sidoo kale, Macalin Geedoow waxaa uu sheegay inay heystaan dagaalyahaano xooggan oo al-Shabaab ay isaga difaacaan, waxaa uu ku daray inay yihiin Khawaarij dhiiga dadka banaysatay, muda 8 bil ahna uu taagnaa khilaafkooda.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili dhawaanahaan ay maleeshiyaad badan isaga baxayeen al-Shabaab oo uu kamid ahaa Horjooge ku xigeenka Sheekh Mukhtaar Roobow ‘’Abuu Mansuur’’ oo isagu muddo badan ahaa gooni isku tag

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!