AKHRISO:-Magaca Ergeyga cusub ee QM ee Soomaaliya
Antonio Guterres oo ah Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qaruumaha ka dhexeysa, ayaa Soomaaliya shalay si rasmi ah ugu soo Magacaabay Ergey cusub,kaasi oo lagu Magacaabo Nicholas Haysom.
Ergeyga cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ee Nicholas Haysom ayaa ka soo jeeda Dalka Koofur Afrika,waxaana uu noqonayaa wakiilkiisa gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya iyo Madaxa Xafiiska nabad ilaalinta ee Dalka.
Danjire, Nicholas Haysom ayaa beddelaya Michael Keating oo Xafiiska hayay tan iyo 22-kii November, 2015, kaas oo bedelay ergaygii ka horreeyay ee QM ee arrimaha Somaliya, Nicholas Kay.
Waxaa lagu wadaa in xilka uu la wareego horraanta Bisha Octoobar ee Sanadkan 2018-ka Ergeygan cusub ee Xoghayaha QM Soomaaliya u joogi doono.
Comments are closed.