AKHRISO:-Madaxweynaha Puntland oo magacaabay xubno cusub

Read Time:56 Second

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa maanta lagu magacaabay Agaasimayaal waaxeedyo ka tirsan mid kamid ah Wasaarada dowlad goboleedka Puntland.

Agaasimyeyaasha la magacaabay ayaa ah kuwo waaxeedyo ,waxaana  loo magacaabay Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee dowlad Goboleedka Puntland.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada magacaabista oo dhameystiran.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland.

 

Xeer Madaxweyne Lr. 110 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland.

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland.

 

Markuu arkay: Dastuurka Puntland

 

Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

 

Waxuu Xeeriyey:

 

Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Black) loo magacaabay Agaasimahad Waaxda Qorsheynta iyo

Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland.

Waxaa Maxamed Cali Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Horumarinta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland.

Waxaa Daahir Faarax Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi Baarista ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu

 

-DHAMMAAD-

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %