Akhriso:-Maamulada Somaliland iyo Khaatumo Oo Heshiis Wada Gaaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhriso:-Maamulada Somaliland iyo Khaatumo Oo Heshiis Wada Gaaray

Waxaa Magaalada Hargeysa ee Caasimada maamulka Somaliland heshiis is-afgarad ah kuwa gaaray maamulada Somaliland iyo Khaatumo ay kala hogaamiyaan Axmed Maxamed Maxamuud Siinlanyo iyo Cali Khaliif Galaydh.

Heshiiskan ayaa waxa ku jira qodobo la sheegay inay aasaas u noqon doonaan heshiiska labada dhinac maamulka Khaatumo waxaa heshiiska u saxiixay Madaxweyne Galaydh halka maamulka Somaliland uu isna u saxiixay Wasiirka Arrimaha dibadda maamulkasi Sacad Cali Shire.

Akhriso Qodobadda ay ku heshiiyeen

1-Somaliland iyo Khaatumo inay ku dedaalaan sidii afgarad buuxa looga wada gaadhi lahaa

2-In la wada qorsheeyo lagana wada shaqeeyo sidii loo heli lahaa Somaliland loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhawrista xuquuqal iinsaanka, ku dhisan diinta islaamka oo muwaadiniinteedu midna ku ahayn marti balse ay u wada siman yihiin.

3-In dastuurka somaliland la furo si loo xaqiijiyo awood qaybsi sugan oo cadaalada ku dhisan oo laga sameeyo madaxda golayaasha fulinta, sharci dejinta, garsoorka iyo hay’adaha dawliga ah.

4-In la sameeyo maamul daadejin heer gobol, degmo iyo magaalo lana qeexo mid walba awoodeeda.

5-In shir dambe layskugu yimaado 10-ka July laguna qabto magaalada Burco si loo dhameeyo wixii qabyada ah lagana tashado qaabkii iyo hanaankii loo qaban lahaa shir loo wada dhan yahay.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!