AKHRISO:-Maamul Degmo Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

Read Time:42 Second

Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo iyo mas’uuliyiinta maamulka Degmada ayaa waxa lagu amray in ay gaaraan Magaalada Kismaayo kadib markii Dowlad Goboleedka Jubbaland ay go’aan ku meel gaar ah ka soo saartey Maamulka Degmadaas.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aaden oo Xafiiskiisa Wareegto ka soo baxday ayaa waxaa lagu sheegay in isaga oo fulinaya amarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uuu  soo saarey digreeto uu shaqada kaga joojinayo Gudoomiyihii degmada Baardheere mudane Cabdullaahi Nuur Xasan (Cadow ) iyo Gudoomiye ku xigeenkiisii Ismaaciil Sheekh Cabdi (Qorrax ) laguna amrey inay magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ah ee Jubbaland ay soo galaan.

Macalin Xuseen Cabdullaahi oo ah Madaxa arrimaha bulshada ee Degmada Baardheere ayaa waxaa si kumeel gaar ah loogu magacaabay in uu sii wado Shaqada maamulka Degmada Baardheere,iyadoo xilkaas uu magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Jubblanad Sayid Aaden.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %