Akhriso:-Liiska Xildhibaannada Cusub ee Galmudug oo lagu dhawaaqay

Read Time:30 Second

Guddiga Farsamada & Maamul Dhisidda Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta oo Jimce ah si rasmi ah u shaaciyay xubnaha cusub ee Baarlamaanka 2-aad ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay soo xuleen odayaasha dhaqanka ee Galmudug.

Xildhibaannada Maanta lagu dhawaaqay oo ka kooban 83 Xubnood oo ay ku jiraan Xildhibaannada Ahlusunna,waxaana kaliya harsan Lix Xildhibaan oo Gudidga ay sheegeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo dhameystiri doonaan.

Odayaasha saxiixayaasha Galmudug ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ay mashquulsanayeen arrimaha dib-u- heshiisiinta beelaha wada-dega deegaannada Galmudug iyo soo xulista xubnaha kamid noqon doona Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %