Akhriso:- Khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay Muqdisho
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa kormeeray isgooska EX Contoralka Afgooye oo ah goobta subax nimadii saakay uu ka dhacay qaraxa ismiidaaminta ahaa ee dadka badan ku thirteen.
Duqa magaalada Muqdisho ayaa warbaahinta u sheegay in qasaaraha dhimashada iyo Dhaawaca ay aad u badan yihiin maadaama goobta uu qaraxa ka dhacay ay aheyd Isgoys aad u mashquul badan.
Guddoomiyaha Cumar Filish waxa uu sidoo kale sheegay in ninkii Is qarxiyay uu damacsanaa inuu gudaha magaalada galo hasa’ahaate ciidanka amniga ayaa is hortaag ku sameeyay oo isku dayay iney gaariga hubiyaan sidaas darteedna uu goobta isku qarxiyay.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen in ka badan 50 ruux oo u badan arday saarneyd gaari ay laheyd Jaamcadda Banaadir.
Comments are closed.