AKHRISO: Guddoomiye Jawaari oo go’aan ka soo saaray sida loo maareynayo Mooshinka Madaxweynaha
September -Mareeg)— Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa goor dhow oo caawa ah soo saaray go’aan ku saabsan sida loo Maareynayo Mooshinka Madaxweynaha.Warqad la helay uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweynaha ee 93 Xildhibaan ahaa, 126 Xildhibaan ee tala soo jeedinta laaliska mooshinka Madaxweynaha, Ogeysiisna ku aheyd Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Warqadan oo halku dhigeedu ahaa Maareynta Mooshinada ku saabsan Tuhumada gabood-falka ka dhanka ah Madaxweynaha.
Guddoomiye Jawaari ayaa adeegsanaya qodobo kala duwan oo ku aadan habka maareynta Mooshinka Madaxweynaha laga soo gudbiyay, kaasoo dhaliyay xiisad siyaasadeed.
Comments are closed.