Akhriso:-Guddoomiye cusub oo loo Magacaabay Gobolka Hiiraan
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Hiiraan,waxaana uu xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa xilka Gobolka Hiiraan loogu Magacaabay Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed),waxaana sidoo kale Wareegtada xilkii looga qaaday Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan.
Hoos ka Akhriso Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Waare .
Comments are closed.