AKHRISO:-Gen.Cabdalla Cabdalla oo maanta laga saaray xubinimadii NISA
Gen.Cabdalla Cabdalla oo horey u ahaa Taliye ku xigeenka Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa waxaa maanta laga saaray xubinimadii NISA uu ka tirsanaa.
Qoraal ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu shaaciyay in xubinimadii NISA laga saaray Gen.Cabdalla Cabdalla,kaasi oo lagu eedeeyay in Hay’adda NISA xili uu Wareysi siinaaye VOA eedeeymo u jeediyay.
Warka kasoo baxay NISA ayaa waxa uu u qornaa sidan.
Kadib waraysi uu bixiyay Gen. Abdalla Abdalla kuna sheegay eedeymo, waxaa loo saaray guddi baara qaladaadka xasaasiga ah ee ka horimaanaya hanaanka shaqo & danaha qaran, wuxuu gudigu gartay, inuusan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.
— NISA (@HSNQ_NISA) September 1, 2018
Comments are closed.