Akhri: Wasaarada Maaliyada Soomaaliya oo soo bandhigtay hanaan casri ah oo lagu maamulayo lacagta

Read Time:3 Minute, 40 Second

Mareeg.com: Wasaaradda maaliyadda xukuumadda Somalia ayaa maanta shaaca ka qaaday hannaan maamul-lacageed ah cusub, kaasoo lagu kalsoonaan karo, laguna bedelayo nidaamkii hore ee ay wasaaraddu ku shaqeyn jirtay oo ahaa mid aan la socon karin nidaamyada casriga ah ee haatan dunidu ku shaqeyso.

Munaasabadda lagu soo bandhigay hannaankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka maaliyadda, xubna ka tirsan xukuumadda sida wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka gaashaandhigga, wasiir ku xigeenka dekedaha iyo gadiidka Badda, xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, xisaabiyaha guud, hanti dhowrka guud, taliyaha ciidanka asluubta, madax ka socoto beesha caalamka, gaar ahaan Bangiga Aduunka iyo marti sharaf kale.

Ujeeddada nidaam xisaabeedkan cusub ayaa ah mid wasaaradda ka caawin doona in horumarin lagu sameeyo nidaamka xisaabaadka guud ee dalka iyo maamulka lacagta si ay u noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo. Iyadoo uu nidaamkan wasaaradda ka caawinayo habsi u sococashad maamulka lacagta iyo xisaabaadka; isagoo gacan ka gaysanaaya sidii go’aanka ku habboon looga gaari lahaa arrimaha maaliyadda dalka.

“Nidaamkani waa mid lagu kalsoonaan karo, wax weyna ka taraya kordhinta iyo uruurinta dakhliga dawladda iyo bixintiisa. Wuxuu door weyn ka qaadan doonaa dhawrista iyo maamulidda maaliyadda Qaranka,” ayuu wasiirka maaliyadda, Xuseen Cabdi Xalane ku yiri hadal uu ka jeediyay xafladdii lagu soo bandhigay nidaamkan cusub.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray in nidaam xisaabeedkan ay ujeeddadiisu tahay isku xirka wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda dhanka maamulka maaliyadda, iyadoo la adeegsanaayo tiknoolajiyadda casriga ah.

Mar uu ka hadlayay sida nidaamkan u soo celinaayo kalsoonidii ganacsatada iyo canshuur bixiyayaasha oo xilligan ka dhaga adayga bixin canshuuraha ayuu yiri. “Waxa kaliya ee aan canshuurno ka dawlad ahaan waa alaabta la dhoofinaayo iyo kuwa soo dagaya. Shirkadihii waa weynaa waa diideen in canshuurta ay bixiyaan oo qasnnada dowladda ku ridaan, waxaa uga fudud inay aniga koonto lacag iigu shubaan oo isiiyaan. Waan ka xumahay inaan hadalkaas dhaho… laakiin waa xaqiiq jirta. Si loo kasbado kalsoonida dadka iyo ganacsatadaba waa inaan nidama xisaabeedkeena hagaajinaa oo ay ugu horreysa dhaqan-galinta barnamaijkan aan maanta halkan u fadhinno.”

Hannaankan cusub wuxuu diiradda saarayaa la socoshada miisaaniyadda dowladda, uruurinta dakhliga iyo bixinta kharashaadka, taasoo qayb ka qaadanaysa sidii nidaamka maaliyaddu u noqon lahaa mid lagu kalsoon yahay, isla markaasna la helo nidaam hanti dhawr oo cad. warbixinnada la xiriira dakhliga la uruuriyay iyo karashaadka la bixiyayba ciddii doonaysa waxay kala socon kartaa barta Internet-ka wasaaradda sida habkan cusub uu muujinayo.

“Nidaamkii hore wuxuu ahaa mid gaboobay oo ay adag tahay in lagu kalsoonaado, wuxuuna lahaa dhibaatooyin ay ka mid ahaayeen daahinta kharash bixinta. Sidoo kalena ma ahayn mid lagu kalsoonaan karo habka dakhliga loo uruurin jiray iyo sida loo bixin jiray intuba. Sidaasi darteed, waxaan rajaynaynaa in nadaamkan cusub ee maamulka maaliyaddu uu kaalin baaxad wayn leh ka qaato habsami u maaamulidda iyo sare u qaadida maamulka maaliyadda ee hay’adaha dowladda,” ayuu yiri agaasinka waaxda maamulka maaliyadda ee wasaaradda maaliyadda, Farxaan Maxamuud.

Sida nidaamkan cusub uu qeexayo, wasaaraddu waxay awood u leedahay in ay maamusho dhammaan hannaanada lagu bixiyo qandaraasyada hay’adaha kala duwan ee dowladda iyo sida loo maamulayo kharash bixintooda. Waana mid tilmaamaya in qofka qandaraaska qaatay uu u diro wasaaradda ama hay’adda uu qandaraaska ka qaatay warqad qaan-sheegasha ah; kaddibna cidda codsiga ku socdo waxay usii gudbinaysaa dalab lacag-bixin ah xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Qarash bixin kasta marka uu xisaabiyaha guud soo ogolaado kaddib, waxaa lacagta loogu shubayaa koontadiisa Bangiga Dhexe ee Soomaaliya kaasoo kusii xiran koonto kale oo uu ka samaystay qandaraaslaha Bangiyada ganacsiga ee gudaha iyo dibadda. Si joogta ah ayaa maalin walba looga doonayaa in Bangiga Dhexe uu u diro warbixinno xisaabiyaha guud ee Qaranka kuwaasoo muujinaaaya dhaq-dhaqaaqa koontada.

Dhanka kale, waxaa warbixinta lagu sheegay in qandaraasluhu iska diiwaan galiyo wasaaradda ganacsiga oo siinaysa lambar u gaar ah oo uu ku shaqeynayo. Iyadoo nidaamkan cusub ee maaliyadda uu hirgeli doono 2015-ka sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda.

“Waxaan u mahad-celinaynaa cid kasta oo taageero ka gaysatay habsami u maaraynta maaliyadda. Annaguna waxaan ballan-qaadaynaa inaan si fiican uga soo dhalaalno hawsha nalaga sugaayo taasoo aan doonayno inay qanciso dhammaan dadka wax nagala dhaxeeyaan. Sidoo kale waxaa bogaadin mudan khubaradii ka qayb qaadatay dhamaystirka nidamakan cusub kuwaasoo muujiyay karti iyo xirfadnimo,” ayuu mar kale agaasinka waaxda maaliyaddu yiri.

Wixii xog dheeraad ah oo aad rabto inaa dka ogaato nidaamkan cusub kala soco Barta Interneetka ee Wasaaradda oo ah:

http://www.mof.gov.so/public-financial-management-pfm/

 

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %