Akhri: Wareegto madaxweynaha Soomaaliya uu shaqada uga joojiyey 21 garsoore

Read Time:48 Second

Mareeg.com: Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa shaqadii garsoorenimo looga joojiyey Garsoorayaal ka Howlgala Maxkamadaha Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka qaarkood.

Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo maanta Shir jiraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa Warbaahinta u aqriyay Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynah islamarkaana shaqada looga joojiyey ilaa 21 Garsoore oo Muqdisho iyo Gobolada ka howlgala.

Axmed Cali Daahir Xeerilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in Garsooreyaashaan Xilalka laga qaaday ay yihiin kuwo markii hore Sharci daro ku joogay oo aan ku shaqeyneeyn Wareegto Madaxweyne.

Wareegtada madaxweynaha oo soo baxday 26-ka bishan Ocotober ayaa lagu sheegay in garsoorayaasha shaqada laga joojiyey ay ku shaqeynayeen qaab sharci darro ah, ayna ku jiri donaan shaqo ka joojinta ilaa laga waafajinayo sharciga.

Dhawaanahan ayaa ayaa Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir wuxuu sheegayay iney jiraan garsoorayaal badan oo aan heysan magacaabis madaxweyne oo dad xukuma, wuxuuna uga digay iney sharciga wajihi doonaan.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %