
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Jigjiga xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaasi ay ka socoto Bililiqo ka dib markii ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya ay la wareegeen Xarumo muhiim ah .
Dad ku sugan Magaalada Jigjiga ayaa waxa ay sheegayan in Ciidamadii Federaalka Magaalada ay kawaadn Bililiqo xooggan,islamarkaana waxa ay sheegeen in Ciidamada dowlada dhexe ee Itoobiya ay la wareegeen xarumaha ugu muhiimsan dowlad degaanka Soomaalida ee ku yaalla Jigjiga.
Ilaa iyo Hadda meelaha ay bililiqaddu ka socota waxaa ka mid ah xarunta Bangiga dhexe ee Magaalada Jigjiga, waxaa sidoo kale bililiqo ka socotaa Goobo ganacsi oo ku yaalla Magaalada Jigjiga.
Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Khasaaro uu ka dhashay Isku dhac dhexmaray Ciidamada Liyuu Boolis iyo kuwa dowlada dhexe ee saakay qabsaday Magaalada.
Wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan dowlad degaanka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in ciidammada federaalka Itoobiya ay wareegeen xarumihii dawladda islamarkaasna ay khalkhal geliyeen shacabka.
Dhinaca Boqolaal Shacab ah oo careysan ayaa lagu soo waramayaa inay gudaha u galeen Xarunta Kaniisad ku taallay jigjiga,islamarkaana ay dab qabadsiiyeen.
Baraha bulshada ayaa waxaa lagu baahiyay Muuqaallo iyo Sawirro,iyadoo Dab xoogan oo ka socdo Xarunta Kaniisadda,waxaana goobta ku sugan shacab badan oo Careysan.
Waxaa sidoo kale lagu soo waramayaa in qeybo kamid ah Magaalada Jigjiga laga maqlaaya rasaas Xoogan .
Ilaa iyo hadda lama halka uu jaan iyo cirib dhigay Madaxweynaha dowladd degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ee Cabdi Maxamuud Cumar.
La soco wixii ku soo kordha xaalada kacsan ee Jigjiga Insha Allaah.
Isha Kuhaay Shabakada Wararka Mareeg.com.