
Warar dheeraad ah ayaa waxay kasoo baxayaan qarax Khasaaro geystay oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Shaqaalaha ee Magalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa mid gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qaraxa, waxana uu ka dhacay Maqaaxi dhawaan la furey oo ku taalla dhabarka dambe ee Shineema Somalia oo ka soo horjeeda baar Italia ee Isgoyska Shaqaalaha.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo shir Jaraa’id Wariyeyaasha u qabtay ayaa sheegay in Gaariga uu ahaa mid Wadada marayey,isla markaana sidaasi uu ku qarxay balse aan la ogeyn halka uu ku wajahnaa.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku geriyoodeen 4 ruux halka 7 kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo uu sheegay in ay ahaayeen dhammaantood dad Shacab ah oo maqaaxida fadhiyey.
Gaba gabadii waxa uu sheegay in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan dadka soo abaabulay qaraxaas iyo qorshaha laga lahaa.