Akhri: Warar sheegaya in askari Raashiyaan ah uu dilay haweeney ka tirsaneyd Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Warar sheegaya in askari Raashiyaan ah uu dilay haweeney ka tirsaneyd Alshabaab

Mareeg.com: Warar aan la xaqiijin oo ay qortay Moscow News Agency ayaa sheegaya in Shiishyahan u dhashay dalka Raashiya uu toogasho ku dilay haweeney uu dhalatay dalka Britain, islamarkaana aad loo raadinayey, waqtiyadii ugu dambeeya ku sugneyd, Soomaaliya iyo Suuriya.

Sdia warkaan lagu sheegay haweeneyda lagu magacaabo Samantha Lewthwaite oo 30-jir ah, looguna yeero (Carmaladii Cadeyd) ayaa waxaa toogtay shiishyahan u dhashay Ruushka labo todobaad ka hor.

Waxeey sheegayaan wararku in Samantha Lewthwaite oo ku sugneyd meel ka mid ah xadka Raashiya iyo Ukrainian uu soo toogtay Shiishyahan Raashiyaan ah, iyadoo joogtay dhanka dalka Ukrainian.

Lewthwaite ayaa waxaa hora u qabay nin la oran jiray Germaine Lindsay, kaasoo is-qarxin ka dhacday magaalada London ee dalka Ingiriirska ku dilay 26 rakaab ah sanadkii 2005.

Haweeneydan ayaa sidoo kale, ku xirneyd Alshabaabka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale Kenya ka shaki qabtay iney ku lu laheyd weerarkii Westgate ee sanadkii 2013 lagu dilay 67 ruux. sidoo kale, waxaa dhawaan la sheegay in haweeneydaasi ku biirtay dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!