Akhri: Turkiga oo dowlada Soomaaliya u bilaabay lacagtii farasaarka aheyd

Mareeg.com: Dowladda Turkiga, ayaa dib u bilowday inay celiso lacagihii tooska ahaa ay bil kasta siin jirtay dowladda Federalka ee Soomaaliya, si loogu kabo misaaniyadda dowladda.

Turkiga, ayaa bil kasta dowladda Soomaaliya siin jiray adduun lacageed oo gaaraaya $4.5 milyan oo dollarka Mareykanka, waxaana lacagahaan la hakiyay bishii December ee sanadkii 2013.

Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah, bishaan October, waxay dowladda Turkiga dib u bilowday bixinta lacagahaasi, iyadoo markaliya isku bixisay 10-kii bilood ee sanadkaan 2014, oo gaaraaya lacago dhan $45 Milyan oo doolarka Mareykanka ah.

Sacuudiga ayaa bishaan Soomaaliya siiyay lacagihii Zakaawaatka oo qey ka ah sadaqada sanad kasta uu bixin jiray, wuxuuna sanadkaan ugu tabarucay in wax looga qabto arrimaha waxbarashada, caafimaadka iyo amniga ee Soomaaliya.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245