Mareeg.com: Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in sanadkii tegay ee Hijriyada 1435 ay lacag dhan $8.9 Milyan dollar oo zekada xoolaha nool ah ku ruruuriyeen degmooyinka iyo gobolada ay maamulaan ee dalka Soomaaliya.
Mu’asasada Al-kataa’ib ee garabka warbaahineed xarakada Alshabaab ayaa soo saartay filim ka hadlaya xoolaha ay zeko ahaan Alshabaab u uruuriyeen sanadkii tegay iyo dadkii ka faa’iideystay sida la yiri.
Sida warbixinta Alshabaab lagu sheegay, dhaqaalaha kasoo xarooday xoolaha nool ee Zakawaadka ayaa ka badan $8.9 Malyuun oo dollar.
Filimkaan waxaa lagu sheegay in geela zeko ahaan Alshabaab u uruuriyeem uu gaarayo 6,500 oo madax oo lacaga ahaan u dhigma $3,900,000 (Seddax Milyan iyo sagaal boqol kun dollar).
Sidoo kale, filimka ayaa lagu sheegay in ariga zeko ahaan loo uruuriyey uu gaarayo ilaa 100,000 oo madax, kaasoo lacaga ahaan u dhigma $4,000,000 Milyan (Afar Milyan dollar).
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.