Tirada diyaaradaha ku duulaya Xuuthiyiinta Yemen

Mareeg.com: Isbaheysi uu horkacayo Sacuudiga ayaa 26-kii bishaan duulaan cirka ku qaaday Kooxda Xuuthiyiinta dalka Yemen, kuwaasoo afgembiyey dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee uu madaxda ka yahay Cabdi Rabbi Mansuur Haadi.

Ilaa 8 dal ayaa diyaarado kala duwan oo nuuca dagaalka ah ku biiriyey howlgalka Milateri ee Sacuudigu hogaaminayo.

Dalalka Isbaheysiga ayaa diyaaradaha dagaalka ee quqeynaya Xuuthiyiinta u kala leh sidan:-

Sacuudi Carabiya: 100 diyaaradood.

Imaaraada Carabta: 20 diyaaradood

Qadar: 10 diyaaradood.

Kuweyt: 15 diyaaradood

Baxreyn: 15 diyaaradood

Urdun: 6 diyaradood

Marooko: 6 diyaaradood

Sudan: 3 diyaaradood, waxeyna gaarayaan diyaaradahaasi 175.

Masar iyo Pakistan ayaa iyagana la filayaa iney diyaarado kusoo biiriyaan howlgalka milateri, iyagoo sidoo kalana diyaariyey maraakiib dagaal.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245