Akhri: Taliye boolis oo sheegay in magaladiisa Alshabaab joogaan balse uusan wax ka qaban karin

Read Time:42 Second

Mareeg.com: Taliska ciidamada Boliiska ee magaalada Marka ee xarrunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay la socdaan in magaaladaasi ay ku sugan yihiin rag ka mid ah Xarakada Al-shabaab.

Taliyaha saldhigaasi Cabdi Nuur Isaaq Xuseen oo wareysi siiyay Goobjoog FM ee Muqdisho ayaa sheegay in halkaasi ay ku joogaan ogaanshiyaha Rag ka mid ah Al-shababa oo degmadaasi jooga.

“Al-shabaab inuu joogo waan ognahay, Maleeshiyo inay joogto waan ognahay, in lagu dagaalamayo meesha waan ognahay, laakiinse awoodii waxaas oo dhan ku xakameen lahayn malihin” ayuu yiri taliyaha.

Dhinaca kale taliyaha ayaa sheegay in dhibaatooyin ay soo gaareen dadka shacabka ah, ka dib markii AMISOM ay rasaas fureen, sidoo kalena ay jirto qasaare hantiyadeed.

Amaanka magaalada Marka ayaa faraha ka baxay kadib markii ay halkaas ku dagaalameen labo maleeshiyo beelood, Alshabaabna ka faa;iideysteen fowdada beelaha.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.