Somaliland “DF Somalia waxey nagu soo qaaday aflagaado iyo dagaal qaawan”

Mareeg.com: Wasiirka Macdanta iyo Tamarta maamulka Somaliland, Xuseen Cabdi Ducaale, oo Xafiiskiisa Shir jaraa’id ku qabtay warbaahinta ayaa u jawaabay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo shalay digniin u jeedisay shirkad Shiineys ah oo si sharci darro ah shodaal iyo macadan uga baarta gobolka Awdal.

Wasiirkaan ka tirsan maamulka Somaliland ayaa digniinta dowladda Federaalka ah ku tilmaamay Aflagaado iyo dagaal qaawan oo lagu soo qaaday waxa uu ugu yeeray Qaranimada iyo horumarka Somaliland.

Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay inay Soomaaliya caadaysatay dagaal ka dhan ah horumarka Somaliland, iyadoo Shirkaddaha ay Somaliland heshiisyada la gasho dacwado u gudbinaysa islamarkaana waddamadooda ka ashkataynaysa, sida uu yiri.

“Waxaanu ognahay in todobaadkan gudihiisa  Somalia Ashkato rasmi ah u gudbisay Safaaradda Shiinaha ee Xamar, Ashkatadaas oo ku saabsan inay joojiyaan hawlo macaadin soo saar ah oo ka socda Somaliland, siiba buuraha Simoodi ee Gobolka Awdal” ayuu yiri wasiirka Macdanta Somaliland, Xuseen Cabdi Ducaale.

“Soomaaliya  waxay caadaysatay inay hor istaagto horumarka iyo amniga uu gaadhay dalkan Somaliland, mana aha waxay maantu ugu horayso” ayuu Xuseen Ducaale.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale, waxa uu sheegay in Somalia caqabadaynayso Heshiis-yada cusub ee Somaliland la galayso Shirkaddaha Shidaalka “Waxa kale oo ay Waraaqo badan u qoreen Ashkatooyinna u gudbiyeen Shirkaddaha cusub ee Somaliland heshiiska la gashay oo tiradoodu tahay 4 Shirkaddood oo heshiis Shiidaal soo saaris ah kula jira Somaliland”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay Macdan soo saarista ka socota Awdal “Somalia iyadoo sii wada caadooyinkeeda ah inay carqaladayso Horumarka, waxay bilawday inay haddana is hortaagto Hawlaha Macdan soo saarista ah ee Somaliland ka wado Gobolka Awdal oo aanu ku doonayno inaanu kula soo baxno Khayraadka wadanka oo ahna hawlihii u horeeyay ee Macdan soo saariseed”

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Somalia waxay runtii Caado ka dhigatay inay dagaal cad oo qaawan oo badheedh ah kula kacdo sidii ay isu hortaagi lahayd inay Somaliland khayraadka dalkeeda la soo baxdo. Waxa kale oo ay caadaysatay inay isku dhufato ama dab iskugu dhiibto Gobolada Somaliland ama Qabaa’ilka oo ay fidmo iyo rabshad ka dhex abuurto”

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay dugniin u dirtay shirkad lagu magacaabo ARC, iyadoo ku eedeysay in iyadoo adeegsaneysa maleeshiyo ay dhibaato ka dhex abuurtay shacabka gobolka Awdal.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245