Mareeg.com: Waxaa shalay magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyey tababar loo qabtay in ka badan 200 Macalin Dugsi Qur’aan, kuwaasoo ka kala yimid gobollada dalka Soomaaliya.
Tababarkaan waxaa qabsoomidiisa si weyn uga shaqeeyey Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar (Xidig), waxaana casharro ka bixiyey culmo Soomaaliyeed oo caan ah, sida Sheekh Maxamuud Aw Cabdulle Cariif, Sheekh Abuukar Xasan Maalin iyo culumo kale.
Waxaa munaasabadii gebegebada ka hadlay Macalimiin ka kala yimid Kenya, gobollada dhexe ee Soomaaliya, Hargeysa iyo meelo kale, kuwaasoo dhamaantood sheegay iney si weyn uga faa’iideysteen tababarka aqoon kororsiga ah.
Haddaba gebagebadii shirweynaha iyo tababarka waxaa laga soo saaray warmurtiyeedka hoos ku qoran:-
Shirweynaha Dallada Ansaarul Qur’aan Alkariim
Warmurtiyeed
Kadib diyaargarow qaatay ku dhawaad 6 bilood, waxaa intii u dhaxeysay 24-26 December 2014, kuna beegan 1-3 Rabiicul Awadal magaalada Muqdisho ku qabsoomay Shirweynaha Dalladda Ansarul Qur’aan Alkariim ee taabacsan Jamaacada Sheekh Daa’ud.
Shirweynaha oo cinwaan looga dhigay “”خيركم من تعلّم القرآن وعلّمه ayaa waxaa qabsoomiddiisa suurageliyey Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’ud (Xidig), waxaana ka qeybgalay ku dhawaad 200 oo ka tirsan Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah, kuwaasoo ka kala yimid gobolada kala duwan ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa shiweynaha ka qeybgalay matri lagu casumay.
Intii shirweynuhu socday waxaa la qabtay tabaro aqooneed oo lagu bixiyey muxaaradooyin diini, kuwaasoo lagu kobcinayey waoodda aqooneed iyo xirfadda macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka ah.
Muxaadaraatka la qabtay waxaa ka mid ah:
1- In la laazimo daacada Alle iyo ku camalfalka Qur’aanka Kariimka ah.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.