Akhri: Shan kun askari oo dowladda Soomaaliya ka qoraneyso Jubooyinka & Gedo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Shan kun askari oo dowladda Soomaaliya ka qoraneyso Jubooyinka & Gedo

Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ciidamo gaaraya 5 Kun oo askari ay ka qoraneyso deegaanada Jubooyinka iyo Gedo, islamarkaana la mideyn doono ciidamada DF ah iyo kuwa maamulka KMG ah ee Juba.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre oo hogaaminayey wafdi ka socda dowladda oo shalay booqday Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in 5000 askari laga qorayo degaanada hoostaga maamulka Juba, kuwaasoo hoos imaanaya taliska guud ee milateriga Soomaaliya.

Wasiir Goodax ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay go’aansatay ineysan maamulka Juba ku fiirsan Alshabaab oo kusii uruuraya Jubooyinka, kadib markii laga saaray qeybo ka mid ah gobolada Dhexe, labada Shabeelle, Baay iyo Bakool.

“Dowladda Soomaaliya waxey go’aansatay inaan maamulka Juba lagu fiirsan kooxaha xagjirka ah ee kusii uruuraya deegaanada ay maamulaan, waxaana goboladaas laga diyaarinayaa ilaa 5000 askari oo hoostegaya taliska milateriga Soomaaliya” ayuu yiri Wasiir Goodax oo la hadlay warbaahinta.

Wuxuu sheegay wasiirku in dowladda Soomaaliya dooneyso in la isku dhafo ciidamada oo gobol kasta ay joogaan ciidamo ka socda gobolada kala duwan ee dalka.

Dhanka kale, hogaamiyaha Maamulka Juba, Axmed Madoobe ayaa tilaabo wanaagsan ku tilmaamay in dib loo dhiso ciidamada milateriga Soomaaliya, si ula wareegaan amaanka dalka.

Dhawaan ayaa Alshabaab dharbaaxo kulul la dhaceen maamulka Juba, iyadoo ka laayey askar badan, sidoo kalana maamulkaas ka qabsaday deegaanka Kudhaa oo markii hore Alshabaab laga saaray.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.