Akhri: Saraakiil loo xiray qaraxii SYL oo lasii daayey & qaar weli la baarayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Saraakiil loo xiray qaraxii SYL oo lasii daayey & qaar weli la baarayo

Mareeg.com: Maxkamadda darajada koowaad ee ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa sii daysay 7 sarkaal oo u xirnaa qaraxii ka dhacay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ka dhacay bishii Janaayo ee sanadkan 2015.

Maxkamadda ayaa shaaca ka qaadday inwey wax dambi ah ku weysay 7-da sarkaal, oo lagu tuhmay iney fududeeyeen qarax khasaare geystay oo ismiidaamin ahaa, kaasoo lala beegsaday Hotel SYL oo ay xilligaas ku sugnaayeen dublamaasiyiin farabadan oo Turki ah, kuwaasoo horudhac u ahaa booqshada uu dalka ku yimid madaxweynaha dalkaa, Reccep Tayyip Erdogan.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidanka qalabka sida, Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa sheegay in maxkamaddu ay dambi ku waysay saraakiisha kala ah;

1. G/sare Boolis, Maxamed Ismaaciil Cali.
2. G/sare Boolis, Cali Axmed Cabdi.
3. Dhamme Boolis, Bashiir Yuusuf Fooleey.
4. Laba Xidigle Boolis, Cabdifitaax Aadan Axmed.
5. Alifle Boolis, 17086 Salaad Cabdullaahi Sh Cali.
6. Dable Boolis 20897 Cabdikamaal Xuseen Cabdi.
7. Dable Boolis 20860 Maxamed Cali Xasan.

Sidoo kale, maxkamadda ayaa dib u dhigtay dacwadda eedeysaneyaasha kala ah:-

1. Gashaanle Dhexe: Maxamed Daahir Cabdulle
2. Labada Xidigle: Mahad Cabdi Cumar
3. Xidigle: Xasan Daahir Maxamed
4. K/S Axmedkhadar Maxamed Xasan.

Maxkamadu waxay sheegtay in qofkii aanan ku qanacsanayn xukunkaan ay u bannaan tahay rafcaan. Saraakiishaan ayaa xirnaa wixii ka dambeeyey markii qaraxaasi dhacay, waxaana ku jiray rag saraakiil saldhigyo ka talinayey.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!