Qodobo ay ku heshiiyeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Qodobo ay ku heshiiyeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland

Mareeg.com: Wadahadal shalay iyo maanta dalka Jabuuti ku dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa lasoo gebagebeeyey, waxaana laga soo saaray dhowr qodob.

Qodobada kasoo baxay wadahadalka labada dhinac ah ayaa kala ah:-

1- Dardargelinta Wadaxaajoodka labada dhinac.

2- In lagu dhiirado arrimaha siyaadda ee masiiriga ah iyo fulinta heshiisyadii horay loo gaaray.

3- in la fuliyo heshiiskii dhinaca hawada, isla markaana la sameeyo gudiyadii farsamada ahaa.

4- In labada dhinac ay isla gartaan in wada hadaladooda laga qeyb geliyo wadamada saaxibada la ah.

5- In dib loo bilaabo wada hadaladii u dhaxeeya 26-27 bisha Febaraayo ee sanadka soo socda 2015, laguna qabto magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

6- In aan la siyaasadeyn deeqaha bani’aadanimada iyo mashaariicda dib u dhiska ah, lana dhiira geliyo.

Shirka laga soo saaray qodobadan waxaa suurageliyey madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo labada dhinac ku martiqaaday dalkiisa.

Labada dhianc ayaa horay dhowr jeer u yeeshay wadahadallo, hasde ahaatee waxaa markasta laga meermeerayey in laga hadlo arrinta dhabta ee meesha taala ee ah gooni u goosadaka ay Somaliland dooneyso.

Mareeg Media

.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!