Akhri qodobada ay ku heshiiyeen maamuladii isku hayey Koonfur Galbeed

Muqdisho – Mareeg.com: Maanta waxaa xarrunta madaxtooyada Soomaaliya looga dhawaaqay heshiis dhexmaray labo maamul oo iska soo horjeeday, kuwaasoo lagu wada dhisay magaalada Baydhabo ee xarrunta gobolka Baay.

Labadii maamul ee 3 iyo 6-da gobol ee Koonfur Galbeed ee muranka badan dhaliyey ayaa xaflad lagu qabtay Muqdisho oo ay joogeen madaxda dowladda iyo wakiilada beesha caalamka lagu shaaciyey iney ku heshiiyeen dhismaha hala maamul oo ka kooban 3 gobol oo kala ah: Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliyda, Ridwaan Xaaji C/weli ayaa warbaahinta u aqriyey 11 qodob oo lagu heshiiyey, kuwaasoo u qornaa sidan:

1. Labadan maamul ee saddexda iyo lixda waxay isku waafaqeen inay dhistaan hal maamul oo loogu yeeri doono maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya oo ka kooban gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellada Hoose.

2. Xukuumadda Somalia oo kaashanaysa beesha caalamka waxay xaqiijinaysaa in dhammaan beelaha Soomaaliyeed dega gobolladan Jubbooyinka iyo Gedo ay si cadaalad ah u wadaagaan maamulka.

3. Xukuumadda Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in dhammaan beelaha dega gobollada Koonfur-galbeed inay si cadaalad ah u wadaagaan maamulka Koonfur-galbeed.

4. Marka ay habboonaato, xukuumaddu waxay fududeyn doontaa wada-tashi dhex-mara maamulka KMG ah ee Jubba iyo maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed si ay u wadaagaan danaha labada dhinac quseeya.

5. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in la dhiso guddi ka kooban 13-xubnood, guddigaas oo dhinac walba uu ka imaan doono min shan xubnood halka saddex xubnood ay ka imaan doonaan dhinaca dowladda Soomaaliya laguna soo dhiso muddo toban maalmood ah, kaddib marka la saxiixo heshiiskan. Guddigu waxay soo diyaarinayaan kuna heshiinayaan habka iyo wadiiqada loo marayo dhismaha maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed.

6. Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaysa beesha caalamka waxay xaqiijinaysaa wixii looga baahan yahay iyo xaqiijinta dhismaha maamulkan KMG ah.

7. Labada dhinac waxay isku waafaqeen dhameystirka geeddi-socodka lagu soo dhisayo maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed muddo 30-maalmood gudahood ah, kaddib marka heshiiska la saxiixo.

8. Xukuumadda Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in dhisidda maamulka KMG ah loo maro hannaan ku dhisan nabad iyo xasillooni lagana fogaado wixii halis gelin kara nabadda iyo amniga.

9. Xukuumadda Federaalka Somalia waxay ku dadaali doontaa sii wadidda wadatashiga hoggaamiyeyaasha bulshada, sida odayaasha dhaqan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si loo xaqiijiyo meel-marinta & xal u helidda howlaha dhiman iyadoo loo marayo hab wadatashi ah oo loo dhan yahay.

10. Beesha caalamka waxaa laga codsanayaa inay taageeraan geeddi-socodka iyo furlinta heshiiskan muhiimka ah iyo in laga qaado tallaabo ku habboon oo lid ku ah ruuxii ka horyimaada ama carqaladeeya geeddi-socodka nabadda dalka.

11. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mas’uul ka ah meel-marinta iyo taabbo-gelinta heshiiskan.

DHAMAAD

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245