Mareeg.com: Dhacdo kale oo naxdin leh ayaa xalay ka dhacday degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana nin abti ah uu aashito ku gubay wiil ay dhashay walaashiisa, sidaa waxaa xaqiijisay Mako Siyaad Bulaale oo dhashay wiilka la gubay, uuna la dhashay kan wax gubay.
Wiilka la gubay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali Ibraahin Raage, waxaana Mako sheegtay in labada wiil uu ka dhaxeeyey khilaaf la xiriira ku noolaashaha guriga.
Wiilka wax gubay ayaa baxsaday, waxaana ciidamada booliska ay saakay oo idil ka baadigoobayeen xaafadaha degmada Howldaag.
Todobaadkii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka dhacay labo fal-dambiyeed dil ah oo loo adeegsaday toorrey iyo dil haweeney jirdil lagula khaarijiyey, kadibna laga helay ceel ku yaalla degmada Dharkeynley.
Dadka indha-indheeya xaaladaha Muqdisho ayaa u arka in dilkii loo adeegsan jiray hubku soo yaraanayo, islamarkaana uu badelayo dilka loo adeegsao farsamooyin kale oo cusub ama kuwii horay loo yaqaanay ah.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.