Akhri: Qaramada Midoobay & Mareykanka oo la dhacsan RW Cumar * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Qaramada Midoobay & Mareykanka oo la dhacsan RW Cumar

Mareeg.com: Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa soo dhaweeyey kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya uu siiyey RW Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke oo dhawaan xilkaas uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Max’ud.

Ban Ki-moon ayaa ku dhiirigeliyey Raysal-wasaaraha cusub, Madaxweynaha iyo Afhayenka Baarlamaanku in ay wadajir u shaqeeyaan, si ay mar kale majaraha geeddi socodka siyaasadda u wada qabtaan, sidoo kale waxa uu ka codsadey in ay si dhaw ula shaqeeyaan maamulada kumeel-gaarka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka, sida ay qortey warbaahinta XINHUA

Ban Ki-moon ayaa sidoo kale ku dardargeliyey madaxda federaalku in ay la yimadaan xukuumad loo wada dhan yahay, meelna iska dhigaan khilaaf danbe oo soo dhexgala.

Ban Ki-moon ayaa hoosta ka xariiqey in wax badan ay dhiman yihiin in la qabto ka hor inta aan waqtigu ka dhicin dowladda September 2016, waxaana uu shegay in Qaramada Midoobey ay sii wedeyso tageradii Soomaaliya.

Dhanka kale War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegey in Maraykanku si weyn u soo dhaweynaayo in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalku ay kalsooni siiyaan Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke in uu noqdo Raysalwasaaraha cusub ee Soomaaliya

Afhayeenka Wasaaradda Jen Psaki ayaa sheegtey in ay ka dhawrayaan raysalwasaaraha cusub in uu soo dhiso Gole Wasiiro oo u qalma xilalkooda.

Jen Psaki ayaa waxay ku dhiirigelisey Madaxdweynaha, Raysalwasaaraha iyo xukuumadda la soo dhisaayo in ay horumar ka sameyaan taabo gelinta yoolaka la hiigsanaayo marka la eego waqtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, sida; in dib u eegis lagu sameyo Dastuurka, sameynta Dowladaha xubnaha ka ah federaalka iyo u diyaar garowga doorashooyinka, hormarinta ciidamada qalabka sida iyo Booliska iyo dib u habeynta dhaqaalaha.

Mareykanka ayaa sheegay in ay sidoodi ugu taagan yihiin tageerada Dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda, inta ay dib u dhisayaan dalkooda, iyagoo xusay iney dooneynaan iney arkaan Soomaaliya oo xoog badan oo ah saaxiib dhaw la ah Mareykanka.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!