Akhri: Muwaadin Masaari ah oo u dhintay farxad! * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Muwaadin Masaari ah oo u dhintay farxad!

Mareeg.com: Muwaadin reer Masar ah oo lagu magacaabo Yasir Ibrahim oo 25 jir ah ayaa u geeriyooday faraxad xad-dhaaf ah oo lasoo gudboonaatay kadib markii baqaar ku yaalla Qaahira uu lacaga jaban uga helay Haanta Gaaska wax lagu kariyo oo uu suguayay muddo 3 saacadood ah.

Barta uu Internet-ka ku leeyahay TV-ga Alcaribiya ee “www.alarabiya.net” ayaa daabacay dhacdadaan, waxeynta sheegay in wiilkaasi u geeriyooday hoos u dhac xoog leh uu ku yimid wareegga dhiigiisa kadib markii farxaddu ka badatay.

Qaar ka mid ah dadku nool deegaanka Basaatiin ee Qaahira ka tirsan ayaa booliska kusoo wargeliyey in wiilkaas 25-ka ah uu ku geeriyooday gudaha bakhaarka kadib markii farxadi ku fogaatay.

Ninkaan ayaa la sheegay inuu aad u farxay kadib markii uu qiimihii hore ku helay Haanta gaaska cunada lagu kariyo oo dhawaanahaan qaali aheyd, lana iibin jiray ilaa 50 Geni oo lacagta Masar ah, markii horase ahaan jirtay 7 ilaa 8 Geni.

Dalka Masar ayaa waxaa dadkiisu cunada ku kasradaan Gaaska oo labo nuuc ah, midka Haamaha iyo mid qasabado guryaha gaarsiiyaan, waxaana kan labaad isticmaala dadka dabaqada dhexe.

Deegaanka Basaatiin oo uu ku noolaa jiray Yasir Ibrahim ayaa waxaa ku nool dad aad sabool u ah.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!