Akhri: Mooshinka ka dhanka ah RW Cabdilweli oo si xeeladeysan loo qeybiyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Mooshinka ka dhanka ah RW Cabdilweli oo si xeeladeysan loo qeybiyey

Mareeg.com: Warar soo baxay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanada, gaar ahaan kuwa keenay mooshinka iyo kuwa taageersan loo qeybiyey mooshinka ka dhanka ah R/wasaare Cabdilweli, inkastoo kulankii maanta uu buuq ku dhamaaday.

Saxaafadda ayaan loo ogolaanin xitaa meel u dhow baarlamaanka, balse qaar ka mid ah xildhibaanada labada dhinac ayaa sheegay in waraaqaha motion-ka loogu qaybiyay iridka laga galo baarlamaanka.

Warar ayaa sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo horjeeda motion-ka ay isla goobta ku jeex-jeexeen.

Xildhibaanada ka soo horjeeda kasoo horjeeda mooshinka ayaa warbaahinta u sheegay in mooshinka xalay la qeybiyey, ayna arrintaasi tahay sharci darro.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah xildhibaanada wada mooshinkaan, waxa uu sheegay in mooshinkaan loo qeybiyay, islamarkaana ay soo akhrisan doonaan.

Mar la weydiiyey cidda u qeybisay mooshinkaan, waxa uu sheegay in sida caadada ah ay u siiyeen shaqaalaha Baarlamaanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo isna ka mid ah xubnaha diidan mooshinkaan, ayaa sheegay in aan la qeybin wax mooshin ah, laakiinse ay jireen xildhibaano qeybiyay warqado mooshin lagu sheegay waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Magan ayaa tilmaamay in kulanka dhan aanu furmi, marka loo eego sharciga uu kulanka ku furmo, waxaana uu tilmaamay in aysan jirin wax soo baxay.

.

Motion-ka ayaa ku baaqaya in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Ahmed, kadib markii khilaaf isaga iyo madaxwaynaha u dhaxeeya uu carqaladeeyay howlihii dowladda.

Is afgaranwaaga madaxwaynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaa soo shaac-baxay kadib markii Ra’iisulwasaaruhu uu sameeyay isku shaandhayn uu wasiirka cadaaladda, Faarax Cabdulqaadir u wareejiyay wasaaradda xanaanada xoolaha.

Weli gudoonka baarlamaanka war kama soo saarin wixii ka dhacay baarlamaanka, hase ahaatee waxaa jira warar sheegaya in ka doodista mooshinkaas la qaban doono 30-ka bishaan November.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!