Akhri magacyada guddiga baaraya dilkii xildhibaan Yuusuf Dirir * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri magacyada guddiga baaraya dilkii xildhibaan Yuusuf Dirir

Mareeg.com: Horraantii tododobaadkan, gaar ahaan 23-kii bishaan Maya 2015, waxaa Muqdisho askar ka tirsan milateriga Soomaaliya ku dileen xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Federaalka ah oo la oranjiray Yuusuf Dirir.

Haddaba, dowladda Soomaaliya ayaa magacaawday guddi baaritaan kusoo sameeya sababtii dilkaas keentay iyo qaabka uu u dhacay. Waxaa xusid mudan in wasaaradda Amniga Soomaaliya sheegtay iney dilka geysteen askar milateri oo ku kacay mas’uuliyad darro.

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay magacyada Guddiga oo ka kooban 9 xubnoo iyo waajibaadkooda.

Guddigan oo uu horkacayo Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Axmed Cali Daahir, ayaa waxaa la faray inuu maalinta Jimcaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha keeno warbixin hordhac u ah baarista guddiga ay sameeyeen.

Sidoo kalem guddigan ayaa la faray iney muddo 2 todobaad ah kuasoo gebagebeeyeen baaritaankaq ay sameynayaan, waxaana xubnaha guddigu kala yihiin:-

1- Dr. Axmed Cali Daahir   Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka: Guddoomiye

2- Cor Cabdullaahi Xuseen Maxamed Xeer-ilaaliyaha maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida: Xubin

3- Cor Xasan Sheekh C/samad hoggaanka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed: Xubin

4- General Saciid Axmed Kadiye Taliyaha Hoggaanka baarista C.I.D: Xubin

5- G/le Maxamed Xasan, Taliyaha hoggaanka Baarista NISA  Xubin

6- Xil. Daahir Amiin Jeesoow Gud: guddiga Amniga Barlamaanka: Xubin

7- Xil. Xuseen Carab Ciise Gud: guddiga Difaaca Barlamaanka: Xubin

8- Maxamed Xasan Faarax Lataliyaha sare sharciga X/R/W Soomaaliya: Xubin

9- Cabdullaahi Bashiir Cabdi-nuur Ag Amniga X/ Ra’iisul wasaaraha: Xubin

Muxuu qabanayaa gudigu?

1- In ay warbixin horu-dhac oo ku saabsan baaritaankooda in ay keenaan xafiiska Ra’iisul wasaraha ugu dambeyn maalinta Jimcaha ee ay Tr tahay 29th May 2015.

2- In ay u gudbiyaan baaritaankooda Maxkamadda awoodda u leh.

3- In baaritaanka lagu soo gabagabeeyo laba todobaad oo ka bilaabaneysa Tr Warqaddan

Qoraalka ayaa waxaa ku saxiixnaa Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte (Qaalib).

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!