Akhri:-Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Xubno Cusub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri:-Madaxweyne Farmaajo Oo Magacaabay Xubno Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magacaabay guddiga Dhaqaalaha Qaranka Ka dib markii uu soo saarey Xeer uu ku abuurayo.

Xeerka uu Madaxweynaha soo saarey ayaa ku taariikheysan 12 Bishan July, waxaana lagu sheegay in Xeerkaan uu Madaxweynaha soo saarey,isaga oo cuskanaya qodobka 87aad iyo 90aad ee Dastuurka KMG, ka dib tallooyin ay u soo jeediyeen Guddiga Dhaqaalaha Golaha Wasiirada iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya.

Xubnaha Golahaan uu ka kooban yahay ayaa kala ah, Guddi hoosaadka dhaqaalaha Golaha Wasiirada, Madaxda dowlad Goboleedyada, shan xubnood oo la taliyeyaal qaran ah iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More