Akhri: Machadka Heritage oo daraasad ku sameeyey Federaalka Soomaaliya

Read Time:1 Minute, 3 Second

Mareeg.com: Machadka daraasaadka Soomaaliya ee Heritage ayaa soo saaray daraasad ku saabsan Federaalka Soomaaliya, isagoo xog-wareysi la yeeshay dad ku nool qaar ka mid ah magaalooyinka Soomaaliya.

Machada Heritage ayaa sheegay inuu wareysi la yeeshay dad kala duwan oo ku nool magalooyinka Muqdisho, Baydhabo, Kismaayo, Gaalkacyo iyo Garoowe.

Tiro aad u badan (68 boqolkiiba) oo kamid ah dadka xog ruurinta laga sameeyay ee ku kala nool shan magaalo ee kala duwan oo aageeray
nidaamka maamul ee federaalka waxa ay cadeyn u tahay in su’aasha aanay ahayn in federaal la dhaqangeliyo balse ay tahay sidii loo dhaqan gelin lahaa oo ah qaab yareynaya colaadda, kor u qaadaya wadajirka bulshada, iyo ugu danbeyn keenaya maamul xasiloon oo dimuqraadi ah.

Daka doonayay federaalka, afartii qofba mid (24 boqolkiiba) waxa ay tilmaameen in federaalku uu keenayo awood qeybsi, taas oo ah asalka colaadihii dabada dheeraa ee 24-kii sano ee lasoo dhaafay. Taa waxa sii dheer, 23 boqolkiiba waxa ay rumeysan yihiin in uu federaalka abuurayo in ay maamulkooda u madax bannaanaadaan – kaas oo ah dalab muhiim u ah Soomaali badan. 15 boqolkiiba waxa ay federaalka u arkaan aalad muhiim u ah xalinta colaadaha.

Halkaan kala deg warbixinta Machadku soo saaray oo buuxda

Warbixinta Machadka Heritage ee Federaalka Soomaaliya

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %