Akhri: Macalin xabad la dhacay gudoomiyaha waxbarashada Berbera * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Macalin xabad la dhacay gudoomiyaha waxbarashada Berbera

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in nin macallin ah oo xabad la dhacay gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Saaxil, Ibraahim Digaale.

Xabadda ayaa lagu soo waramayaa iney gudoomiyaha uga dhacday bawdada, islamarkaana dhaawaciisu yahay mid sahlan oo lagula tacaalayo isbitaalka magaalada Berbera.

Sida ay qortay shabakadda Ramaas News, Macalinkan oo Abbaaro 4-tii habeeno ee xalay weeraray Gudoomiyaha waxbarashada oo ay guri wada deganaayeen ayaa magaciisu yahay Macalin Khayre, waxaanu ka hawl gala degmada Xagalo ee dhanka bari kaga beegan Berbera.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, balse Waxa la sheegay in Wasiirada iyo masuuliyiin kale arintaasi ka hawl galayaan.

Lama Oga sababta Ninkani u weeraray Gudoomiyaha waxbarashada Saaxil, balse waxa la sheegay in Ninkani wakhti sii horaysay weerar ku qaaday sarkaal sare oo dhanka waxbarashada kala shaqeeya Wasaaradda waxbarashada, balse aanay waxba soo gaadhin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.