Akhri Lix Qodob Oo Ay Ku Heshiiyeen Ergada Juba Iyo Dowladda Soomaaliya & Magacyada Saxiixayaasha * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri Lix Qodob Oo Ay Ku Heshiiyeen Ergada Juba Iyo Dowladda Soomaaliya & Magacyada Saxiixayaasha

Muqdisho – (Mareeg.com): Shirkii 3-dii bishaan October 2013 ka furmay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, loogana hadlayey arrimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa manta oo ah 6-da November 2013 lasoo afmeeray.

Heshiiskaas waxaa kazoo baxay ilaa 6 qodob oo saxiixeen wakiilo ka socday ragii Kismaayo kula dagaallamay Axmed Madoome, wakiilo ka socday maamulka KMG ah ee Juba ee Axmed Madoobe hogaamiyo, wasiirkada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed iyo gudoomiyaha KMG ah ee maamulka Juba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Haddaba qodobada kazoo baxay shirkaan Muqdisho ka socday mudada 4-ta maalmood ah ayaa u dhignaa sidan, waxaana hoos ku qoran magacyada saxiixayaasha:

SHIRKA DIB U HESHIISINTA JUBOOYINKA
HESHIIS NABADEED
6- November 2013
Iyadoo laga amba-qaadayo heshiiskii Addis ee u gogol xaarayey nabad iyo xasilooni waarta oo ka dhalata gobollada Jubooyinka ayey dhinacyada ergooyinka ka qeybgalay shirweynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka ee ay abaabushay dowladda Federaalka Soomaaliya waxey isla gaareen heshiis nabadeed oo ka kooban qodobadan hoos ku xusan:

1- In si buuxda loo joojiyo colaadda, lagana wada shaqeeyo isku soo dhawaanshaha iyo kalsoonida abuurista bulshada, lagana fogaado dhamaan falalka colaadda keeni kara.
2- In lasoo dhaweeyo, lana taageero maamulka KMG ah ee Juba ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) lagana wada shaqeeyo hirgelintiisa.

3- In dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashaneysa maamulka KMG ah ee Juba, AMISOM, IGAD iyo UN ay ka wada shaqeeyaan soo celinta ciidamada hubeysan ee ku sugan duleedka Kismaayo.

4- In khilaaf kasta loo maro loo maro xallintiisa wadahadal iyo is-qancin.

5- In si loo xoojiyo nabad waarta oo ka hirgasha guud ahaan waddanka gaar ahaan Jubooyinka si wadajir ah loola dagaallamo cadowga Alshabaab, lagana xoreeyo deegaanada weli gacantooda ku harsan.

6- In cid kasta oo ka hortimaada ama carqaladeysa geedi socodka nabadeynta bulshada Jubooyinka si wadajir ah loogu aqoonsado dambiile qaran.

Heshiiskaan waxaa saxiixay qolooyinka hoos ku qoran:

A) Wakiilada Ergada Maamulka Juba Kismaayo
1- C/caziiz Sheekh Dayib
2- C/qaadir Xaaji Suldaan Lugadheere
3- Yaasiin Nuur Gaas
4- Xasan Isxaaq Yacquub
5- Fiilow Isaaq Ibraahim
6- Cismaan Xasan Bistoolo

B) Wakiilada Ergada Juba ee Muqdisho
1- Barre Aadan Shire Warsame
2- Cabdi Baalley Xasan
4- Iftiin Xasan Baasto
5- Cumar Buraale Axmed
6- Maxamed Amiin C/llaahi

Waxaa kale oo heshiiskaan saxiixay:
C/kariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Arrimaga Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo
Sheekh Axmed Maxamed Islaam, Hogaamiyaha maamulka Kumeelgaarka ee Juba.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!