Akhri: Labo wariye & gudoomiye Jaamacad oo ka mid noqday golaha wasiirada cusub
Mareeg.com: Labo Wariye iyo gudoomiye Jaamacadeed oo ku taalla Muqdisho ayaa xalay kasoo muuqday liiska Golaha Wasiirada ee uu ku dhawaaqay R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.
Fahad Yaasiin madaxii hore ee Xafiiska telefeshinka Al Jaziira Soomaaliya ayaa loo magacaabay Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda.
Sidoo kale, Cabdirixman Yusuf Cali Caynte oo kasoo shaqeeyey VOA Somali iyo Aljazeera qeybta Afaka Ingiriiska ayaa loo magacaabay Wasaaradda Qorshaynta & Iskaashiga Caalamiga.
Waxaa isaguna liiska ku jiray gudoomiyihii Jaamacadda SIMAD, Cabdi Raxmaan Max’med Xuseen “Odawaa”, kaasoo loo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka.
Xukuumadda cusub ayaa u badan wajiyo cusub, inakstoo ay ku jiraan rag horay usoo qabtay xilal hore, waxaana la sugayaa in baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida u qaado.
Mareeg Media
Comments are closed.