Akhri: Haweeney wiil & mas mataano ah ku dhashay degmada Afgooye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Haweeney wiil & mas mataano ah ku dhashay degmada Afgooye

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in labo maalmood ka hor tuul hoos timaada degmadaas ay haweeney ku dhashay wiil iyo mas mataano ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo C/llaahi oo la hadlay Radio Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu isagu u tegay qoyska ay u dhasheen wiilka iyo maska mataanaha ah.

wuxuu sheegay C/llaahi in masku dhirir ahaan la egyahay wiilka yar, isagoo xusay in tuulada arrintaan ka dhacday lagu magacaabo Shukurow, islamarkaana 2 KM u jirto degmada Afgooyw.

“Haweeney ayaa wiil iyo mas mataano ah ku dhashay tuulada Shukruow oo hoostimaada Afgooye, maskaasi wuxuu la egyahay wiilka” ayuu yiri C/llaahi.

“Marka wiilka la mataanka ah ooyo agtiisa ayuu imaanayaa, marka wiilka caano la siinayana isaga weel ayaa caano loogu shubayaa, haddii dad aan guriga ka tirsaneyn yimaadaan qolka wuuu ka cararayaa masku” ayuu sidoo kale yiri C/llaahi oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Arrintaan ayaa ah mid ku cusub dadka xilligaan ku nool Soomaaliya, hase yeeshee marka aad la sheekeysato waayo-joogii hore waxey kuu sheegayaan iney jiraan dad badan oo masas la mataan ahaayeen.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!