
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa xilkii looga qaaday Gudoomiyihii Degmadda Baraawe Aadan Cumar Madoobe,waxaana uu u Magacaabay xilkaas Guddoomiye Cusub .
Guddoomiyaha Cusub ee Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa loo magacaabay in uu noqdo Cabdifitaax Maxamed Nuur (Sandheere) oo bedelaya guddoomiyihii xilka laga qaaday.
Sababta xilka looga qaaday Guddoomiye Cumar Madoobe laguma sheegin Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo waxa xiligaan keenay isbedelka lagu sameeyey maamulkii ka jiray Baraawe.