Akhri:-Gabar Somali Ah Oo Ku Guuleysatay Doorasho Ka Dhacday Mareykanka
USA: Saddex Qof oo Soomaali ah ayaa ku soo baxday doorashooyinka xisbiga Dimoqraaddiga ah ee Dalka Maraykanka oo ka dhacay Gobolka Minnesota.
Xubnaha guuleystay ayaa kala ah Ilhaan Cumar oo ku soo baxsaday inay noqoto xubin ka mid ah Congresska Maraykanka Dalkaasi, iyadoo horay ugu mid ahayd Aqalka wakiillada ee Gobolkaa Minnesota.
Maxamuud Nuur, oo ka mid ah tartaramayaasha in dhawaalaba kasoo muuqanayay Masraxa siyaasadda ayaa buuxiyay Kursigii Aqalka Baarlamanka ee Gobolka Minnesota ka dib markii ay banneysay Senetor, Ilhaan Cumar.
Hodan Xasan, ayaa sidoo kale noqotay Qofkii Saddexaad ee tartanka doorashada ku guuleysatay, iyadoo ka mid noqotay Golaha degaanka ee Gobolka Minnesota.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay guusha Taariikhiga ah ee usoo hoyatay Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Minnesota ee Dalka Maraykanka.
Ilhaan Cumar ayaa noqoneysa Qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ka mid noqda Aqalka Congresska ee Dalka Maraykanka.
Comments are closed.