Akhri: Gaas oo Itoobiya ugu socdaalay labo arrimood * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Gaas oo Itoobiya ugu socdaalay labo arrimood

Mareeg.com: Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta safar ugu baxay dalka Itoobiya, waxaana wafdigiisa ka mid ah xubno wasiiro ah.

Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Garowe ayaa sheegay inuu madax ka tirsan dowladda Itoobiya kala soo hadlayo arrimo horumarineed iyo la dagaalanka Alshabaab.

“Waxaan saaka u safrayaa magaalada Adis-Ababa ee dalka Ethopia oo aan u aadi doono howlo la xiriira barnaamijyada horumarineed ee mashaariicda Puntland iyo la dagaalanka argagixisada” ayuu Gaas.

Madaxweynaha oo soo hadal-qaadey weerarkii koox ka tirsan al-Shabaab ay ku qaadeen bar kanorool oo ku taala Bosaso habeenkii Axadda ayaa yiri “Waad aragteen howlgaladii laga fuliyey magaalada Boosaaso iyo guulaha waaweyn ee ciidanka Puntland ka gaareen howlgaladaasi sidookale ciidamadeenu waxay howlgal fiican ka wadaan buuralayda Galgala iyo dhulka ku xeeran”

Waa safarkii saddexaad ee Madaxweynaha Puntland ku tago dalka Itoobiya muddo 60 maalmood ah. Gaas ayaa loo doortay madaxweynaha maamulka Puntland 8-dii Janaayo ee sanadkii hore 2014.

Mareeg Media 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!