
Mareeg.com: Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kazoo jeeda Puntland iyo madaxweynaha maamulkaas C/weli Cali Gaas oo maalmahaan kulamo ku lahaa magaalada Garowe ayaa soo saaray go’aamo dhowr ah.
Kulanka ayaa looga arrinsanayey khilaafka soo kala dhexgalay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland, waxaana xildhibaanadaas u yeeray C/weli Gaas.
War-murtiyeedka kazoo baxay xubnaha xildhibaannada iyo maamulka Puntland ayaa waxaa ka mid ahaa in la xalliyo cabashooyinka ay Puntland ka tirsanayso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo Puntland ay sheegtay in ay caddeymo u hayso.
Sidoo kale kulanka ayaa laga soo saaray in xildhibaannada ay Puntland u soo jeediyeen in ay bixiso fursad wada-hadal muddo 30 cisho gudahood ah, taas oo ay aqbaleen maamulka Puntland.
Qodobbada laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ah in haddii fursadaha wada-hadalka lagu guul darreysto, in Puntland ay qaadan doonto tallaabada ku habboon ee uu u oggolaanayo dastuurkeeda.
Sidoo kale xildhibaannada iyo maamulka Puntland ayaa isla gartay in heshiiskii lagu gaaray magaalada Muqdisho ee la doonayo in maamul mideysan loogu sameeyo gobollada Mudug iyo Galgaduud uu yahay mid xad-gudub ku ah dastuurka federaalka ah iyo kan Puntland.
Halkaan ka aqri qoraalka War-murtiyeedkaas