Akhri: Gowrac ka dhacay gudaha masjid ku yaalla Muqdisho

Mareeg.com:- Waxaa Xalay salaaddii maqrib nin uu gowracay nin kale, iyadoo aan weli la xaqiijin sababta arrintaas keentay, sidaa waxaa Mareeg Media u sheegay dadka deegaanka.

Ninka mindida ku dilay ninka kale ayaa la sheegay inuu qoorta ka qalay, kadibna waxaa qofka dhaawaca ah loola caray isbitaalka oo durba ku geeriyooday.

Falka gowraca ah ayaa ka dhacay gudaha Masjidka C/raxmaan Binu Cowf ee xaafadda Arjantiin ee degmada Kaaraan, waxaana halkaas ku kala cararay dadkii salaadda dukanayey.

Wararka qaar ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu ahaa nin dhalinyaro oo ah laga keenay mid ka mid ah dalalka debadda si loo dhaqan celiyo.

Sheekh Axmed Tuur Yare oo ka mid ah maamulka masaajidka C/raxmaan Bin Cowf oo ay dhacdadan naxdinta leh ka dhacday ayaa sheegay in wiilka la gowracay uu ku geeriyooday Isbitaalka Keysane.

“Dhacdo layaab leh oo amakaag nagu riday ayaa xalay ka dhacday masaajid ku yaal xaafada Arjantiin, salaadii maqribka iyadoo lagu jiro ayaa waxaa dhacday yar axmed la yiraahdo oo safka hore ku jiro in nin mindi wata oo la sheegay inuu sanad ka hor Yurub ka yimid ayaa markii uu rakuucayay waxaa uu mindida uga gooyay meesha hore ee dhuunta hunguriga, markaas kadib wax salaada ka baxa, wax qeyliya, wax argagagax ayay noqdeen jameecadii masaajidka, wiilka asigoo dhiigaya ayaa loola cararay isbitaalka keysaney, halkaas ayuu ku geeriyooday” ayuu yiri Sheekh Axmed Tuur Yare oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Ninka falkan argagaxa geystay ayaa da’diisa u dhaxeysa 40-50 sano jir, halka wiilka uu dilay oo magaciisa lagu sheegay Axmed da’diisa lagu qiyaasay ilaa 20, islamarkaana ah arday.

Maamulka degmada iyo ciidamada booliska ayaan weli wax war ah kasoo saarin falkaas, inkastoo weli ay xilli hore tahay.

Mareeg Media.

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245