Akhri: Faarax C/qaadir oo lambarka 1-aad ka ah wasiiradii saxiixay baaqa is casiladda RW Cabdiweli * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Faarax C/qaadir oo lambarka 1-aad ka ah wasiiradii saxiixay baaqa is casiladda RW Cabdiweli

Mareeg.com: Habeen hore waxaa soo shaac baxay warqad 16 wasiir u direen R/wasaare Cabdilwei Sheekh Axmed, taasoo ay kaga dalbadeen inuu xilka ka dego.

Hadaba saxiixayaasha warqadaas waxaa lambarka 1-aad ka ah Faarax C/qaadir oo lagu muransan yahay xilka wasaaradeed ee uu hayo.

Wasiir Faarax oo horay u ahaa wasiirkada Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa 25-kii October waxaa xilkaas ka qaaday R/wasaare Cabdi Weli, wuxuunu u dhiibay xilka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Khilaafkii ka dhashay xil kala badelkaas ayaa ragaadiyey dowladda Soomaaliya, wuxuuna dowladda ku diray dalal taageeri jiray.

Faarax ayaa haataan foodda hore ka ah dagaaka siyaasadeed ee xilka looga tuurayo R/wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed oo diiday baaqa wasiirada.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!