Mareeg.com: Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo la tixraacayo heshiiskii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay ku gaareen magaalada Djibouti bishii Disembar 2014, ay Dowladda diyaar u tahay dardargelinta wadahadlka labada dhinac.
Dowladda Federaalka ah ayaa sheegtay iney magaalada Istanbul u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo xag farsamo ah.
Waxey sheegtay dowladda Soomaaliya in wafdigua uu damaanad buuxda ka haysta Dowladda Federaalka, uuna diyaar u yahay in uu la fariisto Wafdiga Somaliland oo isaguna ku sugan Istanbul si loo guda galo wadaxaajood ku salaysan qodobbadii ay ku heshiiyeen labada Madaxweyne, oo ay ka mid tahay in la billaabo ka hadalka arrimaha siyaasadda ee masiiriga ah ee ka dhexeeya labada dhinac.
“Wafdiga Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an in uu dadaal walba ku bixiyo midnimada Jamhuriyadda Fedraaalka ee Soomaaliya” ayaa lagu yiri war ay soo saartay dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ah oo u mahadcelisay Turekiga ayaa tiri “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa Dowladda Turkiga martigelinta labada wafdi iyo dhiirri gelinta wadahadalka labada dhinac”.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.