Akhri: Dil lagu xukumay nin arday ku dilay masjid ku yaalla Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: Dil lagu xukumay nin arday ku dilay masjid ku yaalla Muqdisho

Mareeg.com: Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa arbacadii xukun dil ah ku riday nin Soomaali ah, balse ka mid ahaa dadka ku nool dalka Filand, kadib markii lagu helay 13-kii bihsii October uu Muqdisho ku dilay arday Jaamacad dhiganayey.

Ninka dilka lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa Saciid Xaaji Xuseen oo ka mid ah bulshada Somaliyeed ee ku nool dalka Finland, ka horna kasoo laabtay dalka Canada.

Saciid Xaaji Xuseen ayaa maxkamaddu ku heshay inuu 13-kii bishii October uu wiil lagu magacaabo Axmed Cabdi Cosoble ku gowracay gudaha Masaajid ku yaala xaafada Arjantiin ee Degmada Kaaraan.

Dr. Maxamed Xasan Nuur, Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Qaranka, ayaa waxa uu Maxkamada horkeenay cadeymo ku aadan in Saciid Xaaji Xuseen, uu si bareer ah u gowracay marxuum Axmed Cabdi Cosoble.

Sidoo kale waxa uu Saciid Maxkamada ka hor qirtay in uu dilay Axmed Cabdi Cosoble, iyadoo aynaan jirin wax sabab ah.

Dr. Xaashi Cilmi Nuur, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu ku dhawaaqay xukunka dil ah oo Maxkamadu ay ku riday ninka dilka lagu helay ee Saciid Xaaji Xuseen.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!