Akhri: Dhulgariir laga dareemay magaalo dhacda xadka Soomaaliya & Itoobiya

Read Time:37 Second

Mareeg.com: Magaalo Xuduudeedka Wajaale ee ku taalla xadka Soomaaliya iyo Itoobiya xalay laga dareemay dhul-gariir, inkkastoo aanay jirin warar dheeraad ah oo ku saabsan cabirka dhul gariirka.

Dadka ku nool Wajaale ayaa laga soo xigtay iney xalay abaare 10-kii fiidnimo dareemeen dhulgariir socday muddo 10 mirir ah.

“Ilaa tobanadii ayaa la dareemay Dhul gariirka, waxaanu socday ilaa 10 Mirir, iyadoo la moodayay in Iska-rogooyin dhulka wax ku rogayaan. Guryaha qaarkood ayaa dhaqdhaqaaq sameeyay laakiin wax Khasaare ah wali lama oga” ayuu yiri Wariye Maxamed Qombor oo Wajaale ku sugan, una waramaya Shabakadda Ramaas News.

Waa markii ugu horreysay inta la ogyahay ee dhulgariir laga dareemo magaalada Wajaale, inkasta oo magaalada Boorama sanado hore marar laga dareemay dhulgariir.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.