Akhri: Dhimashada dadkii ku sumoobay Muqdisho oo korortay

Read Time:35 Second

Mareeg.com: Ilaa 9 ruux ayaa geeriyootay, in ka badan 100 kalana Isbitaallada ayaa la dhigay kadib markii sida loo badinayo ay cabeen biyo sumeysan xafadda Juungal ee degmada Yaakhshiid ee magaalada Mqudisho.

Saaka aroortii wararkii soo baxay ayaa sheegay in dhimashu 3 aheyd, hase ahaatee wey korortay, waxaan weli socda daad gureynta dadka soo dhacaya, oo gaadiidka gurmadka degdega ah uu Isbitaalada ula cararayo.

Maamulka degmada Yaakhshiid iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in lagu gudajiro baaritaan la xiriir sababta keentay cudurka dadka badan soo ritay.

Dadka xanuunkani soo ritay ayaa la sheegay iney shuban iyo matag isku darayaan. Dadka deegaanka ayaa rumeysan in sababta cudurkaani tahay biyo ay ka cabeen ceel ku yaalla xaafadooda.

Mareeg Media

.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.