Akhri: DF Somalia oo diiwaan gelineysa ardayda Foom4 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: DF Somalia oo diiwaan gelineysa ardayda Foom4

Mareeg.com: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa soo saartay foom loogu talagalay loogu talagalay in laga buuxiyo dugsiyada ka qeybgelaya Imtixaanka Shahaadiga ee ay dowladdu sanadkaan qaadeyso iyo mid loogu talagalay in laga buuxiyo ardayda Imtixaanka u fariisanaya.

Kulan dhalay ka dhacay Muqdisho ayey wasaaraddu kusoo bandhigtay labadaas Foom oo mid ka mid ah lagu cadeyn doono dugsiyada ardaydoodu imtixaanka u fariisanayaan, degmooyinka ay ku yaallaan, tirada ardayda faslaka 4-aad ee dugsiga sare iyo macluumaad kale.

Foom 1

Foomka kale, ayaa ah mid lagu cadeynayo macluumaadka ardayga, sida magaciisa, magaca hooyadiisa, meesha uu ku dhashay, iskuulka uu dhigto iyo waxa la midka ah.

Foom 2

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Maxamed Abdulkadir Nuur ayaa sheegay in sanadkaan Wasaaradda ay ka go’antahay in ay qaaddo Imtixaan Qaran oo loo dhanyahay loogana baahanyahay Dhamaan dalladaha iyo Ardayda in ay haystaan Foomkaan.

Dalladaha waxbarashada ayaan weli ku niyad sameyn imtixaan qaran oo ay dowladdu qaaddo, iyagoo ka cabsi qaba in la damaanad qaadi waayo amaanka dadka ka shaqeynaya iyo amaanada Imtixaanka.

Mareg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!