Akhri:-Ciidankii Nabadsugida G/Banaadir Oo loo bedelay Boolis * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri:-Ciidankii Nabadsugida G/Banaadir Oo loo bedelay Boolis

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isbadalo ku sameysay Talisyada Booliska iyo Hay’adda Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Ciidankii Nabadsugida Gobolka Banaadir oo ahaa markii hore ciidan muuqday ayaa gabi ahaan la baabi’iyay,waxayna hadda kadib u shaqeyn doonaan qaab sirdoon.

Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John) oo ahaa Taliyihii Nabadsugida Gobolka Banaadir, iyo Ciidamadda Xasilinta caasimadda ayaa loo magacaabay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir,halka Jen. Axmed Xasan Maalin oo ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir ayaa isna loo wareejiyay Taliska qeybta Guud ee Taraafikada Gobolka Banaadir.

Isbadalkaan ayaa la sheegay inuu sameeyay Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaana maalmaha soo socda la filayaa inay dhacaan is bedelo kale.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!