Akhri: 10 dagaal oo dunida sugaya sanadkan 2015 * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhri: 10 dagaal oo dunida sugaya sanadkan 2015

Mareeg.com: Wargeysyo kasoo baxa dalka Mareykanka ayaa saadaalin ku sameeyey colaadaha dunida sugaya sanadkan cusub ee 2015.

Majalada Foreign Policy ayaa saadaalisay in sanadkan 2015 ay aduunka kasii socon doonaan 10 dagaal:-

1- Dagaalka Suuriya iyo Ciraaq oo sababta ugu weyn tahay xukuumadaha ku dhisan qolo-qolada iyo xoogeysiga dowladda Islaamiga ah.

2- Dagaalka Ukraine ee u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha gooni u goosadka ah ee Raashiya taageeto.

3- Dagaalka Koonfurta Sudan ee u dhaxeeya dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Salva Kir iyo hogaamiyaha mucaridka, Riek Machar.

4- Dagaalka Nigeria ee u dhaxeeya dowladda iyo kooxda Islaamiga ah Boko Haram.

5- Dagaalka Soomaaliya ee u dhaxeeya dowladda iyo Islaamiga ah ee Alshabaab.

6- Dagaalka Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ee u dhaxeeya dowladda iyo Jabhad Mucaarid ah.

7- Dagaalka Afghanistan ee u dhaxeeya dowladda iyo Daalibaan.

8- Dagaal Yemen ee ay ku lugleeyihiin dowladda, Alqaacidda iyo kooxda Xuuthiyiinta ee Shiicada ah.

9- Dagaalka Liibiya oo dalkaas geliyey fowdo, iyadoo ay dagaalmayaan dowladda, Kooxo Islaamiyiin ah iyo ciidamo ka amarqaata rag gaar ah sida Jen. Khalifa Xaftar.

10- Qalqalka siyaasadeed dalka Venezuela, iyadoo dalkaas ay ka jiraan iska hor imaadyo u dhaxeeya dad debadbaxaya iyo booliska iyo maleeshiyaadka xukuumadda taabacsan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!